:)

SOO DHAWWOW!

Dhammaan, yar iyo weyn, waxa aan idinku soo dhawweynayaa saabkan GALLALLEY.

Gallalley waxa aan u sunkay sheekooyinka gaaggaaban ee maleeha ku dhisan—akhriskooduna aan wakhti sidaa u badan ku baxahayn.

Sheekooyinku waxa ay u badan yihiin kuwo aan laftaydu unkay; balse qaar ayaan fikirkayga ku lifaaqay, oo aan kobciyey. Sheekooyinka aanan maskaxdayda kala soo bixin, balse aan kala dooxay, waxa ka mid ah: “IsmaGabe Fariid,” “Ma Anoo Aara?” “Inkaar-Waalid” iyo “Juxa iyo Tobankiisii Dameer.”

Laga yaabaa in sheekooyinka qaar duluc-giijiskoodu liito. Lakiinse hiraalkaygu waa in sheekaba sheekada ay ka dambayso kasii guluc-shishayn doonto, isla markaasna daldaloolada qoris-dhiciseedka ku yimid ay guffaysmi doonaan.

Haddeerse, sheekooyinka gaawwaha midigtiinna yaal ka fuuda. Mahadsanidin,

Hillaac iyo,
Jidhidhico.